Publication Category:
38
In-Year Reports
Publication Type:
Report
Publication Topic/Subject:
OTHER REPORTS
Publication Corporate Author:
Office of the Accountant General
Release Date:
Tuesday, December 31, 2019
Warbixinta iyo xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku eg 31-ka December 2019
DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowlada
Warbixinta iyo xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku eg 31-ka December 2019
Dulmar Guud ee Xisaab xirka. Xisaab xirka iyo Warbixin Maaliyadeedka la socda waxaa had iyo jeer lagu soo gudbiyaa hawlqabadka Dowladda ee dhinac maaliyadda ee sanadlaha ah. Sidaas darted Xisaab xirkaani waxa uu khuseeyaa hawlqabadka Dowladda ee sanad maaliyadeedka ku eg 31-ka December 2019 sida ku cad muuqaalka dakhliga iyo kharashaadka. Sidaas si la mid ah, warbixin maaliyadeedkani waxa uu akhristaha u siinayaa fursad in uu si kooban u helo sida ay u dheceen dhamaan mucaamalaatka maaliyadeed ee ay dowladdu fulisay iyo mowqifka maaliyadeed ee dowladda ee dhamaadka sanad maaliyadeedka 2019. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa isku keenay warbixin maaliyadeedka guud ahaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlada kadibna soo saaray warbixintaan.
