Hey'adda IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta
Muqdisho, Maarso 20, 2023: Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta Soomaaliya.
Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iyada oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari - haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.
